PUNTLAND oo caddeysay mowqifkeeda shirka ka socda Muqdisho iyo go’aanka cusub ee GAAS

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow kasoo baxay Puntland ayaa looga hadlay mowqifka Puntland ay ka qabto shirka ka socdo magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galayaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo madaxda ugu sareyso dalka.

Hoos ka akhriso war saxaafaadeedka Puntland ka soo baxay

Dawladda Puntland iyadoo ilaalinaysa mas’uuliyadda ka saaran dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed waxay go’aansatay in ay ka qeyb-qaadato geedi socodka doorashooyinka 2016-ka.

Puntland waxay si rasmi ah uga soo qayb qashay shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka 2016 ee ka furmay Muqdisho 19 Sept, 2016.

Daahfurkii shirka  waxaa ka hadley Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, wuxuuna u sheegay madaxda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in Puntland  ay diyaar u tahay ka qeyb-qaadasha hiigisga doorashooyinka 2016.

Madaxweynuhu wuxuu  khudbadiisa ku sheegay in ay jirto arrimo badan oo Puntland aysan raali ka aheyn isla markaasna doonayso in la saxo inta ka horaysa gudagalka hannaanka geedi socodka doorashada 2016.

Wuxuu kaloo Madaxweynuhu ugu baaqay beesha caalamka in ay ummadda Soomaaliyeed u noqdaan dhex-dhexaad.

Ergadii Puntland waxay ka qeybgaleen shirkii kowaad ee guddiga farsamo ee la qabtay 19 September, waxayna Puntland u caddaysay shirka in laga doonayo DFS inay  caddayso sharciyada Maamulada qaarkood ay ku fadhiyeen taasoo DFS ku guuldaraysatay.

Sidaas darteed Puntland waxay ka baxday shirka  maalintaas, kadibna waxay u diyaar garowday sidii shirka  loo sixi lahaa.

Dawladda Puntlad waxay u soo bandhigtay DFS, Dawladaha xubinta ka ah DFS iyo beesha caalamka mabaa’diida asaasiga ah iyo aragtideeda ku aadan geedi socodka dooroshada 2016 taaso ay tahay in la fulliyo ka hor doorashada.

………………………………………Dhammaad………………………… 
Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland 
Cabdullahi Maxamed Jaamac (Quraan-jecel)