Puntland oo inkirtay ka qeyb galka shirka Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa goordhow shaacisay inaysan si toos ah uga qeybgalin shirka wadatashiga ee gala maalintii Seddexaad.

Cabdullaahi Maxamed Jaamac oo ah Afhayeenka maamulka Puntland oo goordhow la hadlay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Puntland marnaba aysan ka qeybgali doonin Shirka wadatashiga Somalia, waxa uu sheegay in kan iminka ka socda Muqdisho, aysan si toos ah uga qeybgalin.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in shirkaasi kaliya ay ka qeybgaleen furitaankiisa, ilaa iyo iminkana ay banana joog ka yihiin, sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo la hadlaayay Idaacada ayuu yiri ‘’Waxaan xaqiijinayaa in Puntland aysan ka qeybgalin shirka wadatashiga, kaliya Madaxweyne C/weli ayaa ka qeybgalay furitaanka shirka maalintii labaad Puntland banan joog ayay ka aheyd’’

“Puntland kuma mashquuleyso in shirkaan uu socdo ama baaqdo, kaliya waxaan ku mashquulsanahay in wax la saxo, Maamulka Puntland banaanka ayeey shirka ka taagan tahay, waxaana taaganahay in shirkaasi aan fariisan, mana fariisan doonno, illaa waxa sharciga ah ee qaldan la saxo’’

Waxa uu sheegay in DF Somalia looga baahan yahay inay saxdo qaladaadka jiro, haddii taasi la waayana aysan Puntland u hogaansami doonin wixii kasoo baxa shirka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayuu tilmaamay in aysan soo bandhigin arrin lagu wada qanci karo, balse bedalkeeda ay soo bandhigeen qaab uu sheegay in ay madaxda dowladda rabaan.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili Maamulka Puntland maalinimadii shalay isaga baxday shirka wadatashiga ah ee ka socda magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo aayaha Soomaaliya iyo hanaanka doorashada dhacaysa 2016-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com