DFS oo ka hadashay arrimo ku saabsan ISRAEL

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dhibaatada ciidamada Yahuuda ay ku hayaan masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa kuna yaala dhulka maamulka Falastiiniyiinta.

Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya ayaa si kulul kaga hadashay dhibataada dadka masjidka ku dukada ay kala kulmaan ciidamada Yahuuda oo marar badan weerar ku qaaday masjidka xili ay salaada ku dukanayeen.

Wasaarada war laga soo saaray ayaa lagu sheegay dhibaatada dadka Falastiiniyiinta la kulmayaan ay yihiin kuwo burinaya sharuucda caalamka u degsan, waxayna dowlada sheegtay iney ka xun tahay waxyaabaha halkaasi ka dhacaya.

Wasaarada ayaa sheegtay in wax walbaa oo ka dhasha Masjidka Al-Aqsa ay qaadi doonto xukuumada Yahuuda, loona baahan yahay in caalamka uu wax ka qabtaa dhibaatada dadka falastiiniyiinta lagu hayo.

Wasaaradda Arimaha dibada Soomaaliya ayaa ku celisay in ay diidan tahay siyaasada gumaysiga ah ee Israel ku hayso shacabka Falastiin,waxana ay ka digtay siyaasada fashilan ee Israel ee dilka,xariga iyo baqdin galinta in ay ka dhalan doonaan cawaaqib aan la mahdin doonin lana soo dhaweyn doonin.

 

Sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa wadamada caalamka loogu baaqay iney faragelin ku sameeyaan dhibaatada Yahuuda ku hayaan dadka ku dukanaya Masjidka Al Aqsa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com