Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan oo Muqdisho ka duulay iyo Gaas oo shirka Muqdisho ku laabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta ka duulay magaalada Muqdisho, iyada oo aan lasoo xirin shirka wadatashiga oo labadii maalin ee  lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa u duulay wadanka isku taga Imaaraadka carabta si uuhalkaasi kaga qeyb galaa tacsiga reer Boqor, waxaana sidoo kale maanta Muqdisho ka duulay madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Shariif Xasan Sheikh, ayaa u duulay Dubai isaga oo kaga sii gudbi doona dalka Sacuudiga si uu usoo xajiyo sida aan wararka ku heleyno.

Dhanka kale shirka maanta waxaa dib ugu laabtay madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Gaas iyo Axmed Madoobe oo ka caresnaa shirkii shalay kana baxay xili ay ku andacoonayeen in dowlada hareermartay dastuurka dalka.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa in war murtiyeed laga soo saaro shirka wadatashiga ee ka socdo magaalada Muqdisho

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com