Wararkii ugu dambeeyey shirka wada-tashiga iyo Cabdi Weli Cali Gaas oo lasoo carro-celinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Madaxda Somalida kaga soconaaya Madaxtooyada Magaalada Muqdisho oo galay maalintiisii 2-aad, ayaa waxaa hareereeyay khilaaf xoogan, ka dib markii Puntland ay ka hortimid ka qaybgalka shirkaasi ee Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa shirka ka sheegay inaanay Puntland aqoonsanayn Galmudug, sidaasi daraadeedna aan loo baahnayn in Galmudug ka qaybgasho shirka.

Madaxweynaha Puntland, ayaa madasha shirka kaga dhawaaqay in Puntland ay isaga baxday shirka, hase ahaatee is jiid jiid iyo wada xaajood dheer ka dib lagu soo carro-celiyey in bal marka hore ku soo laabato shirka, ka dibna laga wada xaajoodo waxa ay ku diidan tahay Galmudug.

gaas baacShirkan oo ay ka qaybgalayan Madaxda Dowladda Somaliya, Maamulada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug, Puntland iyo Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa waxaa looga hadlayaa uun wixii sanadka 2016-ka looga gudbi lahaa, marka uu dhammaado waqtiga Dowladda.

Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa Madaxweyne Gaas ku amray in xiisadda uu qaboojiyo, haddii aan shirka looga hadleynin arrimo ku saabsan Maamulka Galmudug.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegay Villa Somalia in ay weli ka socoto soo carro-celinta C/weli Gaas, isla-markaana aan la guda gelin ajandayaashii lagu waday in shirka looga hadlo.

Shirkan, ayaa waxaa galabta illaa fiidnimada caawa lagu waday in la soo gaba gabeeyo, waxaase suurta gal ah in shirka uu dib u dhaco illaa Isniinta, haddii Puntland aysan joojin isir naceybkeeda ka dhanka ah horumarka dadka gobollada dhexe.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed oo ku sugan madasha, ayaan wax dheg jalaq ah u siinin diidmada qaxiyan ee uu muujinayo dhigiisa Puntland, isaga oo kasoo qaaday qof aanba jirin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com