Maxay PUNTLAND uga baxday shirka? + Jalbada qabyaaladeed iyo karti xumada XASAN SHEEKH

Maalintii labaad ee shirka wadatashiga hiigsiga cusub ee Soomaaliya oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa isaga baxay wafdiga Puntland ee uu hogaaminayo madaxweynaha maamulkaasi C/weli Maxamed Cali (Gaas), iyagoo ku doodaya in Galmudug aanay ahayd maamul goboleed sax ah oo shirkaasina aanay ka qeyb geli karin.

Dhinaca kale Jubbaland, oo iyana jalbo qabyaaladeed ay qabatay, ayaa shirkaasi isaga baxdaysi ay garab u siiso Cabdi Weli Gaas, oo isla weyni iyo qabyaalad ay madax martay, balse Jubaland ma diidin Galmudug ee sababo kale ay shirka uga baxday.

Wafdiga Puntland oo si buuxda uga qeyb galay shirkii shalay ayaa la sheegay in wasiirada la socda madaxweyne Gaas ay ku cadaadiyeen inuu shirka ka baxo oo aanay suuragal ahayn in shirkaasi ay sii ka mid ahaadaan, taasina ay dhibaato u keeno karto gudaha Puntland oo go’aano cadcad laga gaaray arrimaha dowladda federaalka iyo Galmudug.

C/weli Gaas oo Muqdisho ku yimid cadaadis xoog leh oo beesha caalamka ay saartay gaar ahaan ergeyga Q/Midoobay Nicholas Kay ayaa cadaadis kale ka heystaa golayaasha maamulkiisa oo xaalada markii hore gaarsiiyay meel aan ka soo noqon lahayd, wuxuuna hadda ku sugan yahay laba xaaladood mid waliba tan kale ka darran tahay.

Shirka wadatashiga Muqdisho hadda ka socda ayaan ahayn mid awood lagu qeybsanayo ama wax saameyn ku yeelanaya Puntland ka soo bixi karaan, laakiin waxa kaliya oo lagu go’aaminayaa qaabka looga gudbayo hiigsiga cusub, taasoo mustaqabalka dalka saameyn ku yeelan doonta, waxayna Puntland ka cabsi qabtaa in tani horseedo in lagu sharciyeeyo maamulka Galmudug.

Culeyska ugu weyn ee Puntland hadda heysta ayaa ah iyadoo keli ku noqotay mowqifkeeda Galmudug diidka ah oo dhammaan dowladda federaalka, maamulada kale ee dalka iyo beesha caalamka ay aqoonsan yihiin maamulka xuduudka la leh ee ka dhinac dhisan Putnland, taaso sii kordhineysa in loo arko maamul qas ka wada nidaamka federaalka oo marba federaalkii qabiil u rogay, marka kalena colaadii sokeeye weli ku qafilan tahay mar haddii aanay ku ekeyn inay xaqeeda u doodo ee ay diidan tahay aayo-ka-talinta umad kale iyo maamul dad kale sameysteen.

Waxay u muuqataa in Puntland shirka wadatashiga u timid inay ka baxdo ee aanay jirin wax u wehliya, laakiin waxay arrinta oo dhami ku xiran tahay sida beesha caalamka mar kale u cadaadiso maamulkan.

Arrimahan oo dhan waxaa sabab looga dhigi karaa karti xumada iyo daciifnimada Xasan Sheekh oo heerkan soo gaarsiiyey Puntland, maadaama mar walba uu ula dhaqmo si ka sareysa inta a Puntland mudan tahay, oo ah in Soomaalida aysan xittaa ka dhameyn 10%, balse u dhaqanta sida inay yihiin 50%.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com