Shirka wadatashiga oo qarka u saaran inuu hakat galo & Axmed Madoobe oo la saftay C/weli Gaas

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray Madasha uu shirka wadatashiga ka socdo ayaa sheegaya in shirka uu ka taagan yahay is fahan’waa oo ka dhashay ka qeybgalka shirkaasi Maamulka Galmudug.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijinaya in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay la imaaden Dastuurka Dowladda Faderaalka ee ah kii aan la bedelin ee Lixdii Saxiixe, oo dhigaya in 2 gobal iyo wixii ka badan ay noqon karaan Maamul goboleed gaar ah,hadii aan shirka maanta kaasi lagu saleyna uu shirku noqon doono mid guuldareystay.

Madaxweyne C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo aan u muuqan natiijo laga gaaro shirka ayaa dood dheer kadib shirka isaga baxay, waxa ayna wacad ku mareen inaysan ku laaban doonin haddii aan madasha banaanka looga saarin Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Gulleed.

Bilowgii hore ayaa waxaa shirka ka baxay C/weli Gaas iyo Xubnaha maamulkiisa ka tirsan, waxaana qadar yar kadib madasha isaga baxay Maamulka Jubbaland oo iyaguna maray dhabihii ay raacday Puntland.

Shirka oo markiisi hore ku bilowday jawi degan ayaa waxa uu mar qura isku rogay shir looga doodayo Arrimaha Gobolada iyo Dastuurka, waxaana suuragal ah in saacadaha soo socda uu shirkaasi hakat ku yimaado.

Madaxweyne Xassan ayaa ku doodayo in Maamulka Galmudug aysan shirka ka bixi doonin, waxa uuna ku nuux-nuuxsanayaa in Maamulkaasi uu yahay mid sax ah oo dhismihiisu ay goobjoog ka ahaayen Beesha Caalamka.

Xassan ayaa sidoo kale la soo warinayaa inuu aad uga carooday talaabooyinka ay qaaden C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe, inkastoo uu ku baaqayo inay soo fadhiistaan kuraasta islamaarkaana uu hadalka u furan yahay.
Lama oga natiijada ka dhalankarta Buuqa iyo sawaxanka iminka ka taagan Madasha shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com