XASAN oo Somaliland u diray farriin ka yaabisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa daaha ka rogay in shirka wadatashiga aayaha Somalia uu yahay mid khuseeya cid waliba oo Soomaali ah.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in shirka ka socda Muqdisho uu khuseeyo Maamulka Somaliland loogana baahan yahay inay soo ajiibaan dacwada la gaarsiiyay dhamaan Maamuulada sharciyeysan.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay wadaan xilligan qorshe ay Soomaaliland kaga qeyb gali karto shirka hadda socda, markastana ay dowladdu diyaar u tahay qaabkasta oo ay noqoto in xal lagu raadiyo.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay kamid tahay Maamulada hoostaga DF Somalia loona baahan yahay inaysan gooni isaga faquuqin shirarka xalka loogu raadinaayo Somalia.

Waxa uu intaa raaciyay in Wadahadalka DF kala dhexeeya Maamulka uu yahay mid meeshiisa yaalla, islamarkaana shirka iminka socda uu yahay mid kaasi kamadax-banaan oo khuseeya dhamaan Maamulada iyo cid waliba oo Somali ah.

Madaxweynaha waxa kaloo uu sheegay in Shirka Wadatashiga ee shalay ka furmay magaalada Muqdhisho uu Qofkasta oo Soomaali ah looga baahan yahay fikirkiisa iyo taladiisa sida ay isga latahay in uu ka dhiiban karo haddii ay tahay mid wanaagsana la’iskuna raaco ay qaadan doonaan.

Haddalka Madaxweyne Xassan ayaa si toos ah ugu socdo Maamulka Somaliland oo iska saaray Shirka iminka ka socda Magaalo madaxda Somalia ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com