PUNTLAND oo isaga baxday shirka wadatashiga

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in Mas’uuliyiintii Maamulka Puntland ugu jirtay shirka wadatashiga ay isaga baxeen Shirka Hiigsiga 2016.

Wararku waxa ay sheegayaan in dhamaantooda ay marqura Hoolka uu shirka ka socda isaga baxeen kadib markii ay dhaliileen qodobada shirka looga hadlaayay.

Shirkan ayaa looga arrinsanayaa inta uu socdo hirgelinta hanaanka loo marayo doorashada ka dhaceysa dalka nuuca ay noqoneyso iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Maamulka Puntland ayaa dalbatay in Madaxda Qaranka ay badiyaan fursadaha looga niqaashaayo qodobada shirka, waxaana la soo warinayaan inay ka carooden qaabka loo dulmaray qodobada qaar kadib markii ay sheegen in shirka uu yahay mid u afduuban Xassan Sheekh.

Sababta ugu weyn ee shirkaan uu uga baxay maamulka Puntland ayaa la sheegayaa in ay la xiriiro maamulka Galmudug oo ay diidan yihiin.

Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga shirka ayaa durbadiiba la booday Madaxweynaha Puntland iyo Xubnaha uu hogaaminaayay waxaana iminka socda dadaalo dib shirka loogu soo celinaayo Xubnahaasi.

Maamulka Puntland ayaa bilowgii shirka sheegay inaysan u dulqaadan doonin faragalin lagu sameeyo mowqifkooda, waana tan keentay in si degdeg ah ay hoolka uga baxaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com