Xog: R/W CC oo ilaabay qarankii una jeestay reer jecleysi iyo sir badan oo uu shaaca ka qaaday.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo iminka lagu xanto inuu yahay shaqsi si gaar ah ula dhacsan Siyaasadaha qalafsan oo ay isla daadihinayaan Hogaamiyayaasha Jubba iyo Puntland.

RW CC ayaa imaanshiyaha Muqdisho labadaasi Mas’uul kadib la qaatay 4 kulan oo kulankiiba uu socday Laba saac oo xiriir ah, kaasi oo ay uga wada hadlayeen kaliya arrimo iyaga u gaar ah, iyadoona ay xusid mudan tahay in Ra’isul wasaare Cumar uu jecleystay in qaab daarood ahaan uu u garab boodo Axmed Madoobe iyo Gaas isaga oo inkiray mas’uuliyadii uu Qaranka u hayay.

Ujeedka ugu weyn Cumar ayaa la sheegay inuu yahay in shirka wadatashiga 75% awood lagu siiyo labada Hogaamiye iyo in la qaato ama la adeeco mowqifyada labadaasi Madaxweyne Goboleed.

Mid kamid ah Siyaasiyiinta ka howlgasha Xafiiska Cumar C/rashiid ayaa cadeeyay in kulanka Cumar, Axmed Madoobe iyo Gaas uu ahaa mid sirta shirka lagu siinaayay labadaasi Mas’uul si ay uga hortagaan qodobada aan iyaga u cuntameynin.

Arrinta ceynkaani ah ayaa muujineyso in lagu qiyaaneynaayo Qaranka, hayeeshee waxa ay nasiib darro u sugnaatay Madaxweyne Xassan oo isagu guul u arka in xil uu u magacaabo shaqsi waliba oo saaxiib u ah Musuq Qaran iyo mid maaliyadeed.

Lama oga talaabada ku haboon arrinkaani oo la gudboon Madaxtooyada inay uga hortagto, inkastoo arrinka uu yahay mid looga beerayo sharciga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com