Xog: Xarumihii gobolka Banaadir oo arrin yaab leh korontada looga jaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Adeegga Korantadda ee Banadir Electric Company (BECO) waxay maanta Korantadda ka wada jartay Guryaha Guddoomiyayaasha Gobalka Banaadir, Xarumaha Maamulka Degmooyinka iyo Saldhigyadda Boliska ee ku yaalla magaalladda Muqdisho.

Ma cadda sababaha rasmiga ee Xaruumahaasi looga jaray Adeegii Korantadda ee ay bixiso Shirkadda Korantadda Banaadir ee BECO.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo la gaaray Xilligii ay Macaamiisha wada bixin jireen Biilasha Korantadda ee ay Bishiiba isticmaalaan.

Shirkadda BECO oo ay ku mideysan yihiin Ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxay Adeeg Koronto oo 24-saacadood ah siiyaan dhamaan Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo Deegaandda ku hareeraysan.

Dowladda Federalka ayaa Laysin Ruqso ah siisay Shirkadda BECO, si ay u sii buuxiso Kaalinta Adeeggii Korantadda ee Wakaalladdii Xoogga Korantadda Ummaadda (ENEE) ee horey ugu burburtay Dagaalladii Sokeeye ee ka dhacay dalkeenna.

Xigasho: Dalsan Radio

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com