Xog: Damu-Jadiid oo fashilineysa qorshihii Shariif Xasan (Yaa loo wadaa guddoomiyaha BF?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Villa Soomaaliya ayaa wada qorshe culus oo dhabar jabin ku noqon doonta Madaxweynaha maamulka Koonfurta Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan taasoo ku saabsan in Masuul kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed laga dhigo Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaalya ee 2016.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Ganacsiga Dowlada Soomaaliya Maxamed Keeroow Maxamed kana soo jeeda beesha Raxanweyn/Mirif/ Sideed/ Xariin/ Waraasile/Reer Macalin ayaa loo diyaarinayaa inuu noqdo Guddoomiyaha Barlamaanka cusub ee Soomaaliya ee sannada 2016-2020 isagoo xiligaan olole xoogan ugu jira sidii uu ugu mid noqon lahaa Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Keeroow Maxamed oo lagu tiriyo inuu kamid yahay Ururka Damul-Jadiid ayaa xiligaan ku sugan magaalada Baydhabo halkaasoo olole xoogan ugu jiraa sidii uu ugu mid noqon lahaa Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya kadibna uu isku sharaxo Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Keeroow
Maxamed Keeroow

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isaga diidan inay sannadkaan qaataan xilka Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo dowladihi dalka soo maray oo dhan ay hayeen, waxuuna xilkaasi ku tilmaamay mid Beeshooda Digil iyo Mirifle lagu yasaaso laguna liidaayo waxuuna tilmaamay inay xaq u leeyihiin inay dalka ka qabtaan xilalka Madaxweynaha ama Ra’iisul-wasaaraha isla markaana sannadkaan ay u qorsheysan tahay in xilalkaasi midkood ay qabtaan.

Balse, Qorshaha uu wato Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga Soomaaliya Maxamed Keeroow Maxamed ayaa dhabar jabin xoogan ku noqonaysa rabitaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ee ku saabsan inaysan sannadkaan la arkin masuul Beeshooda ka tirsan oo xilka Guddoomiyaha Barlamaanka raadinaya waxaana arrintaasi ku taageersan guud ahaan Beesha Digil iyo Mirifle marka laga reebo dhowr xubnood oo dano gaar ah wata oo qorsheynaya inay qoshaha Shariifka fashiliyaan.

Maxamed Keeroow Maxamed waxaa Siyaasada soo galisay Xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheekh, waxuuna wax ku bartay Iskuulada ay maamuli jireen Madaxda Damul Jadiid oo uu macalin markii dambe ka noqday waxuuna kamid noqday markii dambe Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya kadibna waxaa Xukuumada RW Sharmaarke loogu magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Ganacsiga Soomaaliya.

Hadii qorshaha Maxamed Keeroow Maxamed uu fashilmo waxa ay kooxda Damul Jadiid wadataa inay Guddoomiye Barlamaan u sharaxdo Wasiirka Maaliyada xiligaan Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ama Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo hore Wasiirka Gaashaandhiga ugu soo noqday dowlada Soomaaliya kana soo wada jeedaan Beesha Digil iyo Mirifle.

Si kastaba ha ahaatee, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa qorsheynaya in Xildhibaano ka tirsan beelaha Hawiye ama Daarood uu ka dhaadhiciyo inuu noqdo Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya isagana ku taageerayo xilkaasi si uu u heli xilka Madaxweynaha ama Ra’iisul-wasaaraha dalka, waloow Xasan Sheekh iyo Saaxiibadiisa ay wadaan qorshe lidi ku ah qorshaha Shariif-ka si aan marnaba carqalad u galin xilka Musharax Xasan Sheekh ee raba inuu mar kale noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com