Xog: Xasan oo $5 milyan ku iibiyey dhulkii wasaarada kalluumeysiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkadda Hormuud ka iibiyey dhulkii wasaaradda kallumeysiga ku laheyd agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho, kasoo horjeedka

Xarunta hey’adda UNDP, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa wasaaradda kalluumeysiga iyo Hay’adaha ay quseyso sida Hanti dhowraha Guud lagu amray in dhulkaasi oo ay laheyd wasaaradda Kallumeysiga horana ay u daganaayeen shaqaalaha wasaaradaasi lagu wareejiyo shirkadda Hormuud oo dhowaanahan iibsaneysay dhismooyinka dowladda Soomaaliyeed.

Taas badalkeedana waxaa madaxweynuhu uu ka qaatay Hormuud lacag dhan 5-milyan oo dollar oo uu ku galo doorashada soo socoto ee Soomaaliya.

Qoraalkan oo lagu amray Hay’adahaasi iney ku wareejiyaan Shirkada Hormuud dhulkaasi ayaa lagu sheegay in shirkaddu ka dhisi doonto Masaajid, hase yeeshee dhulkaasi oo aad u weyn waxaa haatanba ka dhisan masaajid weyn, balse waxaa loogu xalaaleynaa in shirkada Hormuud ay guud ahaan la wareegto dhulkaasi oo aad u baaxad weyn.

Siinta dhulkii dowladda Soomaaliyeed ee ganacsatada iyo dad ay qaraabo yihiin madaxweynaha iyo xaasaskiisaba, gaar ahaan Sahra Indha Yar waxay muddooyinkan aheyd mid dadku ay ka dharagsan yihiin.

Dhinaca kale, dhulka dhinaca kale ka saaran oo ku dhow garoonka diyaaradaha, waxaa laga dhacay dad masaakiin ah waxaana qeybsaday madaxweynaha, xaasaskiusa, saaxibadiisa Faarax Cabdulqaadir iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed oo isagu doorashadiisi isna la siiyay Dhul ay Hay’adda Ceymiska ku laheyd 13km oo boqol boos ah oo uu booskiiba 70-kun kala baxay uuna ku laaluushay Xildhibaanadii Galmudu ku doortay iyadoo xildhibaanki la siiyay 10,000 oo US dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com