26.3 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xog xasaasi ah oo ka cusub mooshinka Jowhar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ka socdo magaalada Jowhar kaasi oo dad badan ay ku kala qeybsan yihiin.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa naftooda ku kala qeybsan shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo mooshinka xildhibaanada ay keeneen oo abuuray iney sii kala fogaadaan xildhibaanada ku kala aragti duwan shirka ka socdo Jowhar.

Xog aan heleyno ayaa sheegaysa in waqtigan dib loo dhogay mooshinka laga gudbiyay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe , waxaana arintaasi go’aankeeda qaatay gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Mooshinka oo gudoonka baarlamaanka loo gacan geliyay 11 bishaan ayaa waxaa baarlamaanka la horkeenay 16 bishaan, iyadoo xildhibaanada qaar ay isku dagaali gaareen mooshinka.

In dib loo dhigo mooshinka xildhibaanada qaar ay wadaan ayaa waxaa dan weyn ay ugu jirtaa wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya oo wadata mashruuxa lagu dadajinayo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News