26.3 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Russia oo go’aan ku gaartay inay dalka Somalia..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin lagu qoray Wakaalladda wararka Raashiya ee RIA Novosti, ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Ruushka ay diyaar u tahay in Dowlada Somalia ay ka iibiso Hubka noocyadiisa kala duwan.

Wakaalladda oo xiganeysa Afhayeen u hadlay Iskaashiga Farsamadda Milliteriga ee adeega Federalka Ruushka, ayaa sheegtay in Dowlada Ruushka ay si gaar ah u daneyneyso in DFS ay ka iibiso Hubka noocyada tayada leh.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Codsigaasi uu yahay mid ka imaaday dhanka DFS, balse Dowlada Ruushka oo daneyneysa ganacsi noocaasi ah ay soo dhaweyneyso fulinta codsigaasi, waxa uuna Afhayeenka sheegay in talaabadaani fulinteeda ay ku xiran tahay QM oo cunaqabateynta dhanka Hubka ka qaado Somalia.

Nuqul kamid ah qoraalka ayaa ahaa ”Ruushka kama leex-leexan doono ka ganacsiga Hubka. iibinta Hubka waxaan u mari doonaa qaab sharci ah. Ruushka wey ka jawaabi doontaa codsiga kaga imaaday Somalia ee ah in laga iibiyo Hubka noocyada culus”

Ruushka waxa ay sheegtay in Somalia ay xiligaani u baahan tahay inay hesho Hubka tayada leh, balse waxa ay shaki galisay in QM ay ka laaban-doonto go’aanka Somalia looga xanibay iibsashada Hubka.

Dowlada Ruushka waxa ay ololo ugu jirtaa in Golaha amaanka QM ay ka dhaadhiciso in Somalia laga qaado cunaqabateynta si Hubka ay uga iibsato, hayeeshee waxaa arrintaasi ku hor gudboon caqabado farabadan.

Rajada DFS iyo Ruushka ee Hubka lagu kala iibsan doono, ayaa imaaneysa xili Somalia ay saaran tahay Cunaqabatayn dhinaca Hubka oo ay Golaha Ammaanka ee QM ku soo rogeen bishii Janaayo ee sannadkii 1992-kii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News