Xog: Xasan oo looga digay in shirqool loogu dilo Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) –Toddobaadkaan gudihiisa waxaa lagu waxaa in magaalada Garowe uu ka dhaco caleemo saarka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo mar labaad loo doortay hoggaaminta Puntland, masuuliyiinta lagu casuumay xafladda caleemo saarka waxaa ka mid ah Madaxweyne Xasan Sheekh.

Saciid Deni iyo Xasan Sheekh waxaa ka dhaxeysa xurguf siyaasadeed oo sababtay in Puntland iyo dowladda federaalka aysan wada shaqeyn, taas oo jirtay waxaa hadda cirka ku shareeran xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo laga filan karo khatar kasta.

Dr. Saciid Ciise Maxamuud oo ka mid ahaa musharaxiintii xukunka kula tartantay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin ka soo saaray safarka uu madaxweynuhu qorsheynayo inuu ku tago Garowe, isagoo sheegay inay suurta-gal tahay in sirdoonka Itoobiya ay dil u qorsheeyaan Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal dheer oo Dr. Saciid uu ciwaan uga dhigay “Daagaal Gelistiisu Waxey Ka Bilaabataa Adkeynta Difaaca Madaxda” hoos ka akhriso isagoo dhameystiran:

Maadaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamud waxaa la gudboon inuu ka fiirsado tegida Garowe oo ay isbuuc ka hor ay halkaas joogeen saraakiil sare oo ka tirsan sirdoonka Itobiya, waxaana haboon inta ay taagan tahay xasarada Itobiya inuusan tegin maamul goboleedyada ay sida tooska ah u farageliyaan, maaxaa yeelay waxaa dagaalka diblomaasiyadeed qeyb ka ah dagaalka sirdoon ee lagu bartilmaameysanayo madaxda ugu sareysa cida ay u arkaan cadowgooda.

Puntland iyo Somaliland wax farqiya uma dhexeeyo marka laga reebo in Somaliland ay ka daacadsan tahay Puntland oo ay si toosa u sheegatay daaaamaceeda gooni isu taaga, meesha ay Puntland u dhaqmeyso sida Somaliland, balse ay weli isaaaga dhigeyso mid ka mida maamulaada hoos yimaada dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxeyna labadaas maamul ay ka wada siman yihiin sida ay u hoos yimaadaan amarada uga yimaada Imaraadka iyo Itobiya.

Itobiya awooda sirdoon oo ay ku soo faragelineyso maamul goboleedyada Soomaaliya waxey salka ku haysaa heshiisyada ay ciidamadoodu dalka ku joogaan, waxaana sidaas loogu baahan yahay in ciidamada Itobiya ee jooga Soomaaliya marka hore dalka laga saaro inta aysan bilaabin faragelin mileteri oo ay xoog ugu sameeyaan waqooyiga Soomaaliya oo ay damacsan yihiin iney gebi ahaan ku darsadaan dalkooda.

Dowladda Soomaaliya waxaa hadda looga baahan yahay iney bilowdo dagaalka warbaahinta oo ay ku tebiso aafafka Oromada iyo Cafarta, meesha looga baahan yahay dowladda Eritereya iney iyaduna ku tebiso aafafka Tigreyga iyo Amxaarada, waxaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay iney qowmiyadaha deriska la ah Soomaalida ay quluubtooda kasbato, kuna baraarujiso isku dirka ay dowladda Itobiya ay ugu horseedeyso iney colaado ka dhex abuurto Soomaalida iyo walaalahooda deriska la ah.

Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya looga baahan yahay iney bilowdo dagaalka sirdoonka oo ay kula jirto dowladda Itobiya, waxaana dagaalkaas lagu bartilmaameysanayaa sirdoonka Itobiya ee ku dhex milan dowladda iyo shacabka Soomaaliya, kuwaas oo dowladda Soomaaliya darajooyin ku dhex leh ama shacabka Soomaaliyeed ugu dhex nool adeegyo bulsho oo ay u qaabtaan, waxaana sidoo kale hayadda sirdoonka Soomaaliya looga baahan yahay in gudaha Itobiya ay ku dhex beerto sirdoon si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa Itobiya ee ku aadan Soomaaliya.

Waxaan shaki lahayn in Muse Biixi uu saxiixay wax ka weyn badda Saylac iyo Lughaya u dhaxeysa, maxaayeelay mar uu warbaahinta la hadlayey afhayeenka wasaaradda arrimaha dibeda Itobiya oo ka jawaabayey war-murtiyeedka ka soobaxay jaamacadda Carabta oo mowqifka dowladda Soomaaliya isgarab istaagtey, ayuu ku tilmaamay go’aankooda mud xadgudub ku ah faragelinta arrimaha gudaha Itobiya, wuxuuna hadalka ninkaas uu ka turjumayaa in Somaliland ay qeyb ka mida tahay dhulka dowladda Itobiya.

Marka ay xaalad adag u dhexeyso laba dal oo ay ismariwaa ay ka dhex taagan tahay, waxey dalalkaas xalka ugu horeeya ay ka raadiyaan iney si qarsoodiya hawlgab uga dhigaan madaxa dowladda ay iska soo horjeedaan ama ay meesha ka saaraan, iyaagoo shirqool ku dilaya ama afgembi ku sameynaya ama dibeda dalka uga masaafurinaaya, waxaana ay tilaabooyinkaas ay ku dhacaan dalka ay ciidamada iyo sirdoonka dalka kale ay gudahooda ku xoog badan yihiin. oo qorshooyinkaas halista badan si fudud looga fulin karo.