Xog: Xasan iyo Xamza oo qorsheynaya inay ciqaabaan ‘kuwii sahlay’ weerarka SYL

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xamza Cabdi Barre ayaa qorsheynaya in tallaabo laga qaado xubno ka tirsan dowladda si looga jawaabo weerarkii Al-Shabaab ay ku galeen Hotel SYL.

Labada mas’uul ayaa tan iyo weerarka qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin inay dhaawacyada ku booqdeen isbitaalka Erdogan oo la dhigay dad ay ka mid yihiin yihiin xildhibaano, afhayeenka xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Faysal Caraale Afrax.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tegay Xarunta Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa Saraakiisha ka dhageystay warbixin horudhac ah oo ku aaddan xogta weerarka.

Wararka ayaa sheegaya in laamaha ammaanka ay wadaan baaritaano ay ku ururinayaan sida uu weerarka u dhacay iyo sida ay Shabaabkii weerarka soo qaaday ku soo gaareen SYL Hotel, oo ku yaalla goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, oo ah xeendaabka Villa Somalia.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada xafiis ee dalka ugu sarreya ay hay’adaha ammaanka ka doonayaan macluumaad sax ah, si cid loogu ciqaabo dayac amni oo la tuhunsan yahay inuu dhacay.

Weerar la fududeeyey

Waxaa jira tuhun xooggan oo ku saabsan in weerarka ay ku gacan leeyihiin xubno ka tirsan dowladda ama saraakiil ciidan oo fududeeyey, sababtoo ah aagga weerarka ayaa adag in xitaa uu u gudbo qof shacab ah oo aan haysan kaar aqoonsi.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay saddex askari, halka 27 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, oo isugu jira 18 shacab ah iyo 9 askari, sida uu sheegay afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Korneyl Qaasim Axmed Rooble.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii 4-aad ee ay Shabaabku ku qaadaan hotel ku yaala Muqdisho, tan iyo dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Hoteeladii ugu dambeeyay ee la weeraray ayaana kala ah Pearl, Villa Rays iyo Xayaat.

Ka dib weerarkii Hotel Xayaat oo dhacay bishii August ee sanadkii 2022, Ra’iisal Wasaare Barre ayaa xilligaasi ku hanjabay in dowladdu ay tallaabo adag ka qaadi doonto kuwa ku guuldareystay in waajibaadkooda ay gutaan.

Ra’iisal Wasaare Xamza ayaa intaasi ku daray in lala xisaabtami doono cid kasta, oo ay ku cadaato inay howsheeda dayacday, isagoona markaasi yiri “Lama aqbali karo in wixii dhacay oo kale nagu soo laabtaan.”

Hadalka adag ee Xamza uu xilligaasi jeediyay oo sidii caadada ahayd aanu ficil muuqdo ka dambayn ayaa keentay in weerarada hoteelada ay halkoodii ka sii socdaan.

Shabaabka ayaa muddo dhowr iyo toban sano ah weeraro ku haya Hoteellada Magaalada Muqdisho.

Dowladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray ayaa lagu dhaliilaa inaanay waxba ka baran weerar illaa weerar kale, waxaana dhif iyo naadir ah in cid loo maxkamadeeyo amaba ay xilkeeda ku weydo weerarada abaabulan ee Al-Shabaab.

Si kastaba, Madaxda Qaranka ayaa hadda la eegaya tallaabooyinka ay qaadi doonaan, kolka dhowrka cisho ee soo socdo la soo gaarsiiyo natiijada baaritaanka socda.