Xog: Xasan oo BF ka hor shaacinaya dal noo saxiixay heshiis lagu difaacayo badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hor-tegaya baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna u jeedi doonaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka, waxayna Caasimada Online xog ka heshay qaar ka mid ah qodobada ku jira khudbadiisa.

Madaxweynaha ayaa maanta si buuxda u faahfaahi doona qadiyadda badda iyo halka ay mareyso, isagoo shaaci doona qorshe ay dowladda Soomaaliya dooneyso in badda looga difaaco Itoobiya.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka maanta labada Aqal ee baarlamaanka ku faahfaahin doona heshiis dhinaca difaaca Badda ah oo Soomaaliya ay la gashay dowladda Turkiga.

Sida aan xogta ku helnay heshiiska difaaca badda Soomaaliya ee Turkigu u saxiixay DF, wuxuu dhigayaa in ciidamo ilaalo ah, kana difaaca Itoobiya uu Turkigu u soo diri doono badda Soomaaliya.

Xogtu waxay intaas ku sii dareysaa in heshiiskan uu sii jirayo oo ciidamada Turkiga ay badda Soomaaliya sii joogi doonaan muddo 10 sano ah.

Bilowgii bishaan Febraayo ayuu Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya heshiiskaan ku soo saxiixay dalka Turkiga, waxaana Turkiga u saxiixay wasiirka gaashaandhigga dalkaas.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta baarlamaanka uga warbixi doona safarkiisii Addis Ababa iyo is-hortaagii uu kala kulmay dowladda Itoobiya oo diidaneed in khudbadiisa uu shirka Midowga Afrika ka jeediyo Xasan Sheekh.

Dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada, halka uu marayo qorshaha ay Soomaaliya ugu biirtay daladda dhaqaalaha bulshada bariga Afrika iyo qodobo kale oo xaaladda dalka ku saabsan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh berri ka hor sharixi doonaa baarlamaanka.