Xog: Xasan oo berri u baxaya safar kale oo dibadeed xilli uu maanta dalka kusoo laabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu safar kale oo dibadeed berri ugu baxo dalka Masar, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Booqashadan ayaa ah mid rasmi ah oo qaadan doonta dhowr maalmood, kadib markii madaxweynaha uu casuumad ka helay dhiggiisa Masar Abdifatah El-Sisi, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia.

Booqashadan ayaa noqon doonta tii 7-aad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu dibedda ku aado tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May kadib Imaaraadka Carabta, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti yo Tanzania. 

Sida aan xogta ku helnay, Masar ayaa ka mid aheyd dalalkii ugu horreeyey ee casuumadda usoo diray madaxweyne Xasan Sheekh markii dib loo doortay, ayada oo la rumeysan yahay in Qaahira ay guushii Xasan Sheekh u aheyd neef weyn oo kasoo fuqday. 

Masar ayey isku xumaayeen dowladdii madaxweyne Farmaajo kadib markii uu doortay inuu Itoobiya kala safto, oo ay isku hayaan biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameysay webiga Nile, oo ay aad uga soo horjeedaan Masar iyo Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugnaayeen magaalada Arusha ee Tanzania waxa ay soo bandhigeen fursadaha ganacsi, dhaqaale iyo bulsho ee ka jira Soomaaliya iyo doorka xooggan ee ay shacabka Soomaaliyeed ka qaadan karaan horumarka Dalladdan iyo guud ahaan saamaynta togan ee ay ku leeyihiin Gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qayb-gashay Shir-Madaxeedka, taas oo uu ku xoojinayey ololahiisa ku aaddan ansixinta codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kamid-noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, isagoo adkeeyey ahmiyadda ay leedahay iskaashiga Soomaaliya iyo waddamada ku bahoobay Dalladdan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal buuxa ku bixineysa hirgelinta codsigii ay u gudbisay Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sanadkii 2016-ka, iyada oo War-murtiyeedkii ka soo baxay dhammaadkii Shirka lagu faray Golaha Wasiirrada Dalladda inay si degdeg ah uga hawlgalaan sidii loo dardargelin lahaa hannaanka ay Soomaaliya kaga mid noqonayso Bulshada Bariga Afrika.