25.9 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Xog: Xasan oo ku gacan seeray dalab yaab leh oo uga yimid Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Aqalka looga arimiyo dalka ayaa sheegaya in halkaasi ay kulan khaasa kuwada yeeshen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiim Camey.

Kulanka labada mas’uul oo ahaa mid gaara ayaa waxa ay uga arrinsanayeen in Puntland xubno laga siiyo xubnaha Beelaha Waqooyi ay ku leeyihiin Aqalka Sare ee BFS iyo in laga soomiyo cadadkaasi dheeriga ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, C/xakiim Camey ayaa sheegay in loo baahan yahay in saami la siiyo Beelaha Puntland ee wax ka deggan Waqooyiga Somalia wax laga siiyo maamulka Puntland.

Camey wuxuu ku adkeystay in Puntland Seddex xubnood laga siiyo Saamiga Beelaha Waqooyi, wuxuuna ku dooday inay Beelo ka tirsan Maamulka Puntland wax ka deggaan yihiin Goballadda Waqooyi.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ku adkeystay inay Puntland saamigooda horey u qaateen, loona baahnayn inuu damac kale ka galo xubnaha Beelaha Waqooyi ka heleen Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa si cad kaga hor imaaday in Puntland ay hesho kuraas heeri ah, waxa uuna Madaxweyne ku-xigeenka ku wargalshay inaan la aqbali doonin sad bursi dheeri ah.

Xasan Sheekh iyo Cameey ayaa ku heshiin waayay Shirkooda gaarka ahaa, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in Camey uu ku sigtay inuu ka dhoofo magaalada Muqdisho.

Docda kale, Dowlada Federaalka iyo Hogaamiyayaasha Maamulada dalka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka siman in Puntland la baalmariyo Saamiga ay ka dooneyso Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News