30.9 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Xog: Xasan oo socdaal qarsoodi ah ku jooga Ethiopia (Walaac soo food saaray)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilka sii haya ee dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal qarsoodi ah oo aan la shaacin ku tegay dalka Itoobiya.

Socdaalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo madaxda maamulada dalka looga yeeray dalka Imaaraadka Carabta, waxaana Xasan Sheekh uu Jimcihii u socdaalay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya oo la sheegay inuu kulamo qarsoodi ah kula soo yeeshay saraakiisha iyo madaxda Itoobiya, isagoo dib u laabtay Muqdisho maalim kadib.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in ujeedka socdaalka uu ahaa sidii madaxda Itoobiya loogala hadli lahaa inay dib u dhigaan ciidamada ay kala baxayaan degaanada Koonfurta Soomaaliya inta ay doorashadu ka dhaceyso iyo xaalada doorashada Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay warbaahinta rasmiga ah ee labada dowladood, waxaana muddooyinkan danbe sii xumaanayay xiriirka madaxweyne Xasan Sheekh ee Imaaraadka Carabta, taasoo ka dhigtay in saaxiibada koowaad ee madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ay noqdeen Itoobiya iyo Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News