28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Xasan Sh. oo xildhibaano badan ururinaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan xogta ku heleyno Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ka dalbaday in qeyb qeyb uu isugu uruuriyo Xildhibaanada BFS.

Xassan Sheekh ayaa Jawaari ka dalbaday in Xildhibaanada uu u qeybiyo Seddex garab islamarkaana usoo xulo kuwa ugu miisaanka culus si uu kala hadlo arrinta la xiriirta rajada wakhti kororsiga.

Xassan Sheekh ayaa Jawaari ka dalbaday in loo soo hormariyo ilaa 50 Xildhibaan oo ka kooban kuwa ugu miiisaanka culus, waxa uuna ujeedkiisa ku sheegay inuu kala tashan doono sida lagu hergalin lahaa wakhti kordhin aan sidaa u buuraneyn oo loo sameeyo Xukuumada Somalia.

Garabka ugu horeeya ayaa la sheegayaa inuu qaabili doono gudaha asbuucaani, inkastoo aan xiliga iyo ayaanka noola cayimin.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa awoodiisa isugu geynaaya sida uu ku heli lahaa wakhti siyaado ah, isaga oo ka cabsi qaba inay ku adkaato kusoo laabashada xilka Qaran.

Lama saadaalinkaro sida uu Xassan uga talaabi doono qod-xahaani horyaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News