28 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Lacagtii Cabdi Weli GAAS oo dhibaato abuurtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Garoowe ka dhacay mudaaharaad ballaaran oo ay ka qayb-qaateen haweenka ganacsi yar-yar haysta, iyo dadka kale ee ay saameysey sicir bararka laga dareemayo suuqyada Puntland. Hooyooyinkii ka banaanbaxay sicir bararka iyo kor u kaca sarifka Dollarka ayaa qaarkood xabsiga la geeyey inkasta oo markii danbe la sii daayey.

Sarifka Dollarka ayaa gaarey heerkii u sareysey muddo 6 sano ah, waxaana uu suuqyada Puntland ka gaarey $1=26000Sh.So. iyada oo suuqyada Koonfurta Soomaaliya aan waxba iska beddelin.

Qiimaha sare u kacay ee Dollarka ayaa sabab u ah lacag badan oo ah Shiling Soomaaliga ah oo suuqyada soo gashey oo eryooneysa lacag tiro yar oo ah dollarka Maraykanka oo aan jismi ahaan u jirin.

Sariflayaasha suuqyada Puntland ayaa ku eeedeeyey maamulka Puntland ee Cabdi Weli Gaas in ay kontrooli waayeen lacagtii faalsada ahayd ee ay sameynayeen, waxaa taas dheer iyada oo lacaga lagu sameeyo meelo ka baxsan Puntland ay soo gaareen suuqyada Puntland, isla markaana lagu beddeshey lacagtii Dollarka ahayd ee dadku haysteen.

Sidoo kale waxaa ka qayb-qaata yaraanta dollarka, Ganacsiga Qaadka oo isagu yahay caleenta qaadka oo dollar lagu bedalanaayo dibna dalka looga saaro.

Ganacsatada waaweyn ayaa iyaguna sheegaya in ay sabab u tahay abaartii ka taagneyd dalka oo hoos u dhac ku ridey dhaqaalaha, iyada oo lacagta adag ee soo galaysa dalku uu yahay mid aad u yar, dhoofka iyo soo dejintuna ay tahay mid aan isu dhigmin.

Si kastab ha ahaatee markasta oo dollarku kor u kaco waxaa la kaca qiimaha macayshadda, dhamaan alaabaha iyo adeega ku qiimeysnaa Shilin Soomaaliga ayaa isbedel ku yimid waxaana kor loo kiciyey 0.5%, tas oo waxyeelo ku noqotey dhamaan dadka danyarta ah iyo kuwa ku nool biilka qurbaha looga diro.

Dadka Mudaaharaadaya ayaa sidoo kale ka cabanaya qiimaha go’an ee shirkadaha qaarkood ay Dollarka u djisteen, taas oo ka badan sicirka maalintaas ee suuqyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News