27.9 C
Mogadishu
Saturday, January 17, 2026

Askari Jabuutiyaan ah oo HIIRAAN 10 qof ku d…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in askari Jabuutiyaan ah dhacdo xanuun badan uu ka geystay magaalada Beledweyne, kadib markii lacag deyn ah lagu yeeshay.

Askariga ayaa magaalada Beledweyne ku dhawaacay ku dhawaad 10 ruux oo ku sugnaa magaalada kadib markii askariga  la sheegay in lagula dhagay lacagta deynta ahaa ee horay uu isticmaalay.

Wararka ayaa sheegaya in askariga uu qaad ka qaadan jirin haweeney ku sugan magaalada Beledweyne, waxaana markii ay fursad ku heshay kula dhagtay lacagtii ay ku laheyd, waxaana isaga oo iska filqaya uu riday rasaasta dadka dhaawacday.

Dadka dhaawacmay ayaa qaarkood soo wanaagsanaanaya kuwaasi oo la dhigay isbitaalka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Intaas kadib ayaa Askariga falkaan geystay waxaa la sheegay in ay kexeeyeen Ciidamada Jabuuti iyo kuwa ammaanka Magaaladaasi Baladweyne  lana geeyay saldhiga Magaaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News