26.3 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Axmed Macalin Fiqi oo ka digay damaca DFS.!!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii ee hayada nabad sugida qaranka Soomaaliya musharax madaxweynana ka noday Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka digay dhankiisa in muddo kororsi ay sameeyaan hayada dowlada Soomaaliya ee haatan shaqeynaya.

Axmed Fiqi, ayaa sheegay in muddo badan oo xukuumada laga sugaba nidaamka doorashada iyo qaabkey u dhaceysaba  hadda la joogo waqtigii baarlamaanka go’aanka rasmiga gaari lahaa, isaga oo marnaba aan taageerin muddo kororsi hayadaha dowlada ay sameeyaan.

Yaan marnaba waqti lagu darsan Luuq-luuq marow laazum laamigaas imaahaa.. dawladdii waxey soo guurguurataba waxaa la gaarey waqtigii ay barlamaanka horgeyn laheyd isla markaana difaaci laheyd qaabka qorshihii dawladda bedeli laheyd ay ku imaan laheyd”ayuu kusoo qoray bartiisa Facebook.

“Kol hore iyo bishii July15 waxey yiraahdeen “qof iyo codkii dalka ma gaarsiin karno” taas bedelkeedana 4.5 in dantoodu ku jirto ayey doorbideen, balse go’aanadii la gaarey 20 casho ka hor oo aheyd in barlamaanka la horgeeyo ayaa cabsiyi ka soo waajahdey sida muuqata, taasoo keentey in Raysul wasaare Cumar uu ka baaqsado ayadoo laga sugayey barlamaanka maanta”

Axmed Macalin Fiqi oo u muuqda inuu xog ogaal yahay ayaa hadalkiisa kusii daray “waxaana kale oo soo baxeysa in ay leeyihiin xattaa hanaankii 4.5 ahaa waqtigiisii laguma qaban karo taas awgeed waqti kororsi waa lagama huraan, waxaa odoyaasha u dhiman waa ha naloo daayo ee isgarta dadyahow Soomaaliyeed in ay dhahaan!! Waa lagma maarmaan in doorasho/xulasho qabsoonto, waqtigeediina aysan maalin ku darsan!”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News