Muqdisho (Caasimada Online) – Gen. Gabre oo ah shaqsiga Dowlada ethiopia u qaabilsan kala geynta Soomaalida ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay in uu Heshiis dhex dhigo Madaxweynayaasha DDSI iyo Galmudug.
Madaxweynaha DDSI Cabdi Iley iyo C/kariin Guuleed ayaa Asbuucyadii ugu danbeeyay hawada isku marinaayay fariimo aysan jecleysan inta badan Soomaalida kuwaasi oo ka dhashay colaada ka taagan xadka labada maamul kala qeybsha.
Gen. Gabre ayaa iminka ka shaqeeyay in Ciidamada Liyuu Boolis ee DDSI iyo Xoola dhaqatada dagaalka kula jirtay ay kuwada noolaadan si nabadgalyo ah, balse waxaa xusid mudan in C/kariin Guuleed lagu amray in magaalada Jigjiga ay u noqoto sida magaalada Muqdisho oo uu ku imaado socdaalo is xiga.
Wararku waxa ay sheegayaan in Gen. Gabre uu C/kariin Guuleed faray inuu ka shaqeeyo xiriirka DDSI, taasi oo uu sheegay in lagu gaari karo in Guuleed uu badiyo socdaalkiisa ku aadan magaalada Jigjiga.
Sidoo kale, Gen. Gabre iyo Cabdi Iley ayaa C/kariin Guuleed u sheegay in wax waliba oo la xiriira arrimaha xadka uu kala tashto maamulka DDSI, isaga oo aan ku dhaqaaqin wax xad gudub ah.
Arrintaani ayaa u muuqaneysa in Dowlada Ethiopia ay afganbineyso Siyaasada maamulka Galmudug, xili ethiopia ay gacanta ku heyso maamulada Jubbaland, Puntland iyo Koonfur galbeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

