Xog yaab leh: Lix Madaxweyne oo Soomaaliya u mateleysa caleemo saarka Ismaciil Cumar Gelle

Muqdisho Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalinta Jimcaha aay gaaraan magaalada Jabuuti lix (Madaxweyne) oo midba uu gooni u helay casuumaad ka qeyb galka xafladda caleema saarka Ismaciil Cumar Geelle.

Waxaa si wada jir loogu casuumay xafladdaas Madaxweyne JFS Xasan Sheekh, Cabdiwali Gaas, Siilaanyo, Axmed Madboobe, Shariif Xasan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Haddaba, tan ayaa ka tarjumeyso in la dhammaan waddamada deriska la ah Soomaaliya ee ka faa’iiday burburka Dowladda Soomaaliya in aanay marnaba raalli ka ahayn Soomaaliya oo yeelata dowlad qura. Waa ayaan darro weyn oo soo gaartay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Haddii aanay ka dhiidiyin shacabka Soomaaliyeed hagardaamada aan qarsooneyn ee lagu hayo in qariidada laga tirtiro Jamhuuriyadda Soomaaliya aay Soomaaliya gaari doonto halkii lala rabay oo cadowgu ku taahay in dhaweydba. Waxaa shacabka Soomaaliyeed gudo iyo dibadba laga rabaa sidii aay u soo dhacsan lahaayeen gobonimadooda, wadada kaliya oo u furanna aay tahay in aay sameeyaan kacdoon baaxad weyn si codkooda loo maqlo.

Haddi aanay taa dhicinna Soomaali cid aay eedi karto oo aan iyada ahayni ma jirto. Waayo shacabka waa in aay naftooda iyo maalkoodaba u huraan difaaca qaranimada iyo jiritaanka aayahooda, haddey noqon lahayd mid siyaasaadeed iyo mid aay ku difaacanayaan sumcaddooda iyo sharafta uu alla ku idmaday

mudah2 mudaharaad

 

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com