Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug oo maalmahaan ku sugan magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaaliya ayaa amaan kala dul dhacay Cabdi Maxamuud Cumar madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida.
Wuxuu ku amaanay horumarka uu ka sameeyay deegaanada uu maamulkiisa gaarsiisan yahay, isaga oo sheegay in Galmudug ay toos ugu xirnaan doonaan Dowlada deegaanka Soomaalida.
Wuxuu sheegay iney hoostagi doonaan maamulka dowlada deegaanka si ay kaga faa’ideystaan talaabooyinka dhanka horumarka iyo dadaalada maamulkooda ay sameeyeen si guulo loo gaaro.
Sidoo kale Guuleed ayaa sheegay iney kaga dayan doonaan DDSI isku xirnaanta uu dareemay mudadii uu ku sugnaa magaalada Jigjiga, wuxuuna isku xiray amniga Soomaliya iyo Ethiopia oo uu sheegay ineysan kala maarmin.
Dhinaca kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Jigjiga ayaa sheegay inuu hoos tagi doono dowlada deegaanka sii dhankiisa kaga faa’ideysto horumarka iyo dadaalka ay sameeyeen shacabka iyo maamulka DDSI.
Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]

