28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Erdogan oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaarada Arrimaha Dibadda dalka Turkiga ayaa xaqiijisay in Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdogan uu booqasho rasmi ah ku imaan doono magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Recep Tayyip Erdogan, ayaa kusoo hormari doona dalka Kenya oo la filaayo in uu heshiisyo kula soo galo madaxweynaha dalkaasi Uhurro Kenyaatta, waxa uuna cagta soo marin doonaa magaalada Muqdisho.

Xoghaye ku-xigeen ka hoos shaqeeya Wasaaradda Arimaha dibada dalka Turkiga, ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu booqan doono bilaha soo socda magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in socdaalka Recep Tayyip Erdogan ee Somalia uu la xiriiro mashaariic la filaayo inuu ka hirgaliyo Somalia islamarkaana uu xariga ka jari doono dhismooyin ay kamid tahay Xarunta cusub ee Safaarada Turkiga ee Somalia.

Lama sheegin wakhtiga rasmiga ah ee Recep Tayyip Erdogan uu kusoo beegmi doono magaalada Muqdisho, inkastoo la xaqiijiyay booqashadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News