Xog: Madaxweyne Xasan iyo Abiy Ahmed oo kulmaya

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la yeesho ra’iisul wasaaraha waddanka Itoobiya Abiy Axmed.

Labada mas’uul ayaa is-kala qayb-galaya xafladda caleema saarka madaxweyne William Ruto, ayaga oo kadib yeelan doono kulan duceed ay uga hadlayaan arrimo xasaasi ah.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in diblumaasiyiiin ka socda labada dal ay maalmihii u dambeeyey Nairobi ka wadeen diyaarinta kulanka u dhexeeyo Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo ku soo aadayo, xilli ay haatan taagan tahay xiisad u dhexeyso labada dhinac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online labada nin ayaa ka wada arrinsan doono, sidii xal looga gaari lahaa mad-madowga hadda u dhexeeyo iyo sare u qaadida xiriirka labada waddan oo isbedal hoose uu ku yimid, kadib doorashadii 15-kii May ee looga adkaaday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay xulafo dhow ahaayeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Sidoo kale waxaa la filayaa in labada dhinac ay gaaraan heshiis is afgarad ah oo ku aadan iskaashi ay yeeshaan labada dowladood oo daris ah.

Kulankan wuxuu ku soo aadayaa, xilli dowladda Itoobiya ay raalli-gelin ka bixisay warbixin laga sii daayey telefishinta qaranka dalkaas oo toos loogu weeraray Xasan Sheekh.

Si kastaba, Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday gudaha Soomaaliya, iyada oo toos xiriiro kala duwan ula sameysay qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, sida Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Puntland.