Xog: Xasan Sheekh oo arrintamooshinka Jawaari ugu soo wajahan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu kusoo wajahan yahay Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Muqdisho soo gaari doono maalmaha fooda nagu soo heysa.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa xaqiijiyay in Ex Madaxweyne Xasan Sheekh uu magaalada Muqdisho u imaan doono arrimo ay kamid yihiin Khilaafyada ka dhexeeya Xukuumada iyo baarlamaanka iyo weliba Mooshinka laga gudbiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xasan Sheekh oo durba lagu eedeynaayo inuu la safan yahay Guddoomiye Jawaari, ayaa waxaa hadana la filayaa in kaalin weyn uu ka qaato xal u raadinta Khilaafka.

Sidoo kale, warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Xasan Sheekh ay wehlin doonaan Xildhibaano dhowr ah oo iminka ka maqan dalka kuwaa oo qeyb ka noqon doona kuwa u codeynaaya Mooshinka, waana sababta ugu weyn oo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka uu ugu yeeray Xildhibaanada dalka ka maqan ee fasaxa ku jira.

Xildhibaanada wehlinaaya Xasan Sheekh ayaa ka tirsan garabka Damul-Jadiid ee sida aadka ah uga soo horjeeda gabi ahaan Xukuumada hadda jirta.

Ma cadda sida uu arrinku noqon doono, balse waxaa muuqaneysa in Mooshinka uu cagaha lasii galaayo heerkii ugu adkaa abid.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com