Wararkii ugu dambeeyey mooshinka Jawaari iyo Muudeey oo ku adkeysanaya…

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Somaliya C/wali Sheekh Ibraahin Muudey, ayaa weli ku adkeysanaaya in waddo sax ah loo maray Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiye Muudey, ayaa sheegay in rabitaanka Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka iyo kan Jawaari uusan u muuqan, hase ahaatee ay doorbidi doonaan waxa uu sharciga qabo.

Muudey, waxa uu sheegay in isaga iyo Xildhibaano badan ay isla arkeen qodobada Dastuurka sidaa aawgeedna ay ahmiyada koowaad siin doonaan Dastuurka si meesha looga saaro rabitaan shaqsi.

‘’Waxaan rumeysanahay in Mooshinka uu ku dhaqan gali doono waddo sharci ah, dano gaara kama lihi Mooshinka, waxaanse doonayaa inaan ka dhabeyno sharci aanu ku qoranay rabitaankeena’’

‘’Cida uu mudgi ugu jiro Mooshinka waxa ay qanci doontaa xiliga codeynta, anagu dagaal kulama jirno cid gaara balse sharci dhoorayaal ayaanu nahay, isaga ayaana ku qanci doonaa’’

Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Somaliya C/wali Sheekh Ibraahin Muudey, ayaa sidoo kale Xildhibaanada ugu baaqay inaanu ku kicin nin jecleysi isla markaana ka run sheegaan Kitaabka ay ku dhaarteen.

Guddoomiye Jawaari ayaa dhankiisa ka diidan hanaanka loo gudbinaayo Mooshinka, hase ahaatee waxa uu sheegay inuu ku qanci doono codeyn.

Haddalka Muudeey ayaa kusoo beegmaaya xili Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ay usoo gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya, mooshinkaasi oo la qorsheynaayo in la horgeeyo Baarlamaanka dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com