26.3 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xog: Xasan Sheekh oo Ilka-Xanaf ku amray inuu soo wareejiyo gaadiidka iyo ciidamada uu wato

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan Maxkamada Sare ee dalka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud uu Guddoomiyihii hore ee Maxakamada sare dalka Abuukaate Ceydiid Ilka-xanaf uu ku amray inuu soo wareejiyo gaadiidka iyo Ciidamada farahabadan Dowlada ee ilaalada u ah.

Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in Ilka-xanaf uu ka baxo guriga uu iminka degan yahay si loogu wareejiyo Guddoomiyaha cusub ee isaga bedelay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa la sheegayaa in si KMG ah uu mas’uuliyiinta Maxkamada ugu amray in la haliyo kiisaska uu Ilka-xanaf sida gaarka ah gacanta ugu hayay.

Amarkanai ayaa waxaa la sheegay in si gaar ah uu ugu socday Hanti dhowrka Qaranka, inkastoo la tuhunsan yahay in Xassan Sheekh uu Ilka-Xanaf ka maagan yahay meelo kale.

Lama oga mudada loo qabtay Ilka-xanaf in uu kusoo wareejiyo Hantidaasi isugu jirta Gaadiid, Guri iyo Ciidamo aad u farabadan oo ilaalo u ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News