Kismaayo (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan mas’uuliyiin ka howlgasha Madaxtooyada Maamulka Jubbaland, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu ku fashilmay inuu la kulmo qaar kamid ah Xildhibaanada cusub ee dhawaan lagu doortay Kismaayo.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan uu dalbaday in loo kulmiyo Xildhibaanada Aqalka Hoose ee lagu doortay Kismaayo, hayeeshee Xildhibaanada qaar ay diiden inay la kulmaan Xassan Sheekh kuwaasi oo u janjeera dhanka Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid.
Xildhibaanada ka hor imaaday inay la kulmaan Xasan Sheekh ayaa si toos ah ugu xiran Ra’isul wasaare Cumar, waxa ayna si cad uga hor imaaden inay horfadhiistan Xassan Sheekh.
Xildhibaanada qaar ayaa Madaxweyne Xassan Sheekh usoo faray fariin ah inaysan hor imaandoonin inta uu ka weynaayo Xilka waxa ayna fariintooda soo raaciyeen inay laali doonaan rajadiisa.
Sidoo kale, Xildhibaano ka madax-banaan kuwa taabacsan Cumar C/rashiid ayaa kulamo aan wakhti badan qaadan la yeeshay Xasan Sheekh waxa uuna ka dalbaday inay taageeran ololihiisa.
Magaalada Kismaayo ayaa Asbuucyadani Saldhig u noqotay Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweyninimo kuwaasi oo midba midka kale kasoo horjeeda.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

