27.3 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda oo ka mid noqday baarlamanka cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho wali ka socda Doorashada Aqalka Hoose ee Beelaha dega Gobolada Waqooyi.

Doorashada oo saaka ka bilaabata Xarunta Gaadiidka Booliska ayaa waxaa goordhow lagu doortay Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha dibada Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Bayle ayaa Ergada codeyneysay ka helay 48 Cod waxa uuna ka guuleystay Musharaxii kula tartamaayay xubinimada Baarlamaanka Somalia.

Guddiga Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in Bayle uu ku guuleystay Doorashada.

Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in Doorashada ay halkeeda kasii socoto, waxaana suuragal ah in Asbuuca soo socda ay gaarto Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News