25 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Natiijada tartankii uu maanta galay Maxamed Cumar Carte oo noqotay mid…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho goordhow ka bilowday Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Beelaha Gobolada Waqooyi Somalia.

Doorashada oo aad u adag ayaa waxaa kusoo baxay Ra’isul wasaare Ku-xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib.

Carte ayaa Ergooyinka codeynaayay ka helay 47 Cod, halka Musharaxii la tartamaayay Axmed Cusmaan Ismaaciil uu ka helay 4 Cod oo kaliya.

Guddiga Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in Doorashada uu kusoo baxay Maxamed Cumar Carte.

Doorashada Beelaha dega Gobolada Waqooyi ayaa ka socta magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xerada Gaadiidka Booliska.

Hoolka ay doorashada ka socto ayaa waxaa wali ku sugan Musharaxiin dhowr ah oo ku loolamaaya kamid noqoshada Baarlamaanka Cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News