Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Ciidamada Dowlada ay jir dil ba’an xabsiyada ugu geystaan dadka maxaabiista ah.
Madaxweyne Xassan waxa uu qiray in Ciidamada ay jir dilaan maxaabiista waxa uuna sheegay in Dowladu ay si dhow ula socto tacadiyada ka dhanka ah maxaabiista u xiran tuhunka.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu ictiqaadsan yahay in inta badan si wuxuushnimo ah loola dhaqmo maxaabiista, balse waxa uu cadeeyay in jirdilkaasi uusan aheyn mid ay lug ku leedahay dowlada.
Waxa uu Xassan Sheekh sheegay in jir dilada lagu hayo maxaabiista aysan Dowladu u dul qaadan doonin, cidii bixisay amarka jir dilka ahna ay la xisaabtami doonaan.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka aysan marnaba raali ka noqon doonin in lagu xad gudbo Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo lagu jir dilo Xabsiyadda ay Dowladdu Maamusho.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhowr jeer ay digniino kasoo saaren jir dilka maxaabiista iminkana ay mar kale ka digayaan in dhaqan noocaasi ah lagula kaco maxaabiista shacabka ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

