26.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Salad Cali Jeele oo ku jees-jeesay xildhibaanada BF (Muxuu yiri?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Salaad Cali Jeele oo kamid ah Siyaasiyiinta sida ba’an kaga faalooda arrimaha Somalia, ayaa iminka ka hadlay Siyaasada uu Madaxweynaha dalka la dheelay Xildhibaanada BFS.

Salaad Cali waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan dhib u arag dhabar-habka lagu sameeyay Xildhibaanada, waxa uuna sheegay in laga jaray yadacaada mas’uuliyada ay shacabka u hayeen.

Waxa uu sheegay in Xassan Sheekh uu ka aargoostay Xildhibaanada, waxa uuna ku maah-maahay ”Ishiisa laga arkaa Ushiisa lagu tumaa” oo uu ula jeedo jiljileecooda.

Isaga oo la hadlaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in iyada oo sidaa ay tahay xaalada aysan ka hari doonin Xassan Sheekh kulana Xisaabtami doonaan go’aanka uu kaligiisa gaaray.

Waxa uu sheegay in go’aankii Madaxweynaha uu ku dhaqan geliyay Heshiiskii Madasha wadatashiga Qaran ay wax badan u dhimi doonto Siyaasada Soomaaliya, waxa uuna qiray in go’aankaasi uusan aheyn mid kasoo maaxay Madaxweynaha, balse uu yahay mid lagu cadaadiyay.

Haddalka Salaad Cali Jeele ayaa imaanaya iyadoo Beesha Caalamka ay faragalin xoogan ku heyso Siyaasada Somalia xili dalka uu maraayo kala guur.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News