XOG: Xasan Sheekh oo wali ku adkeysanaya hal arrin oo walaac galisay xildhibaanada mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno xubno ka tirsan Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu wali ku adkeysanaayo inuu kala dirro Baarlamaanka Somalia.

Madaxweyne Xassan ayaa ku doodaayo in Dastuurkii hore ee dalka uu awood usiinaayo inuu kala dirro Baarlamaanka dalka, islamarkaana uu doorbidaayo si uu kaga bedbaado Mooshinka uu kala dirro Baarlamaanka.

Madaxweyne Xassan ayaa sidoo kale sheegay in Xildhibaanada Mooshinka wada ay ka gudbayaan xeendaabka sharciga sidaa awgeedna uu adeegsan doono awoodaha ku qeexan dastuurkii hore oo isagu dhigaayo in Madaxweynaha uu kala eryikaro Baarlamaanka waa haddii uu caqabad u arko.

La-taliyayaasha Madaxweyne Xassan ayaa iyagu qaba in Xassan uusan ku degdegin kala dirista Baarlamaanka, waxa ayna Madaxweyne Xassan ku cadaadinayaan inuu u hogaansamo tallooyinkooda oo ah in marka hore wakhtiga laga dilo Xildhibaanada Mooshinka wado kadibna la kala dilo, sida uu qorshuhu yahay.

Xildhibaanada Baarlamaanka gaar ahaan garabka Mooshinka wada ayaa iyaguna qaba in Madaxweyne Xassan uusan awod u laheyn inuu kala dirro Baarlamaanka, islamarkaana uusan adeegsan karin Dastuurkii hore ee dalka.

Mid kamid ah Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa yiri “Madaxweynaha isaga ayaa la soo doortay, xaq iyo sharcina uma lahan in uu kala diro barlamaanka”

Geesta kale, Siyaasada ay dheelayaan labada dhinac ayaa u muuqaneysa middi-middi ku taag iyo waxaatiriba lagu yiri.
Lamana oga sida xaalku noqon doono waxaase hubaal ah in labada garaba ay ku sugan yihiin xaalad lagu tilmaami karo fashil iyo ducfi siyasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@ive.com