Akhriso: Liiska sida ay beelaha u kala badsadeen xubnaha golaha wasiirada cusub ee GALMUDUG

Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug oo 28-kii Bishan uu ku dhawaaqay Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed waxay ka koobnaayeen 24 wasiir, 23 wasiir ku xigeen iyo 4 wasiiru dowle, iyadoo tiradooda guud ay noqoneyso 51 xubnood, balse waxaa harsan tiro kale oo aan la ogeyn inta ay noqon doonto.

Qaabka beeluhu u kala heleen wasiirada la magacaabay waxay noqoneysaa sida soo socota:

  1. Beesha Habar Gidir waxaa la siiyay  7-Wasaaradood iyo wasiiru dowle
  2. Beesha Mareexaan waxaa iyana la siiyay 5 Wasaaradood
  3. Beesha Murusade waxaa  la siiyay 4 Wasaaradood
  4. Beesha Waceysle waxaa la siiyay 2 wasiir iyo wasiiru dowle
  5. Beesha Dir waxaa la siiyay 2 wasiir
  6. Beesha Duduble waxaa la siiyay 2 wasiir
  7. Beesha Sheekhaal waxay heshay 1 wasiir iyo wasiiru dowle

Hadaba halkan ka Aqriso sida ay Beelaha u kala heleen Wasiirada Maamulka Galmudug

Wasiirada Beesha Habar Gidir

1- Cali-saciid Cumar Ibraahim (Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha, H/Gidir Saleebaan)

2-Cusmaan Maxamed Cali (Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Habargidir, Saleebaan/ Faarax Rooble)

3- Cusmaan Ciise Nuur (Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Habargidir, Ceyr)

4- Cabdixakiin Macalim Axamed Maalim (Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Habargidir, Ceyr)

5- Burhaan Warsame Cigaal (Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Habargidir, Sacad)

6-Xuseen Sheekh Nuur (Wasiirka Wasaaradda Jaaliyadaha iyo Dhiirigelinta Maalgashiga, Habargidir, Sacad)

7- Warsame Maxamed Xasan (Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga, Habargidir, Saruur)

8-  Cumar Maxamed Diiriye (Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose, Hawiye, Habargidir, Saleebaan/ Reer Warsame)

Wasiirada Beesha Mareexaan

1-Jaamac Xasan Salaad  (Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose/ Mareexaan)

2-Xasan Maxamed Warsame (Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Mareexaan)

3- Cabdulqaadir Cabdullaahi Warsame (Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mareexaan)

4-Sheekh Ibraahim Xasan Guureeye (Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Mareexaan)

5-Maxamed Cabdullaahi Aadan (Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Mareexan)

Wasiirada Beesha Murusade

1-Xuseen Qaasim Yuusuf  (Wasiirka Madaxtooyada : Murusade Sabti)

2-Axmed Dubad Cali  (Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Murusade Sabti)

3-C/Qaadir Sheekh Cali (Shugri)  (Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Garsoorka : Murusade Sabti)

4-Maxamed Maxamuud Guur: (Wasiirka Howlaha guud iyo Dib u dhiska, Murusade Foorculus, Habar Ceyno)

Wasiirada Beesha Dir

1- Sheekh Mursal Cabdiraxmaan Axmed (Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Dir, Fiqi Maxamuud)

2-Maxamed Xuseen Maxamed (Wasiirka Wasaaradda Bii’ada. Dhirta iyo Daaqa, Dir, Qubeys)

 

Wasiirada Beesha Abgaal/Waceysle

1- Maxamuud Aadan Cusmaan (Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka, Abgaal, Waceysle)

2- Axmed Dhiblaawe Casir  (Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha, Abgaal, Waceysle).

3- Nuur lbraahim Cusmaan (Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Abgaal, Waceysle)

Wasiirada Beesha Duduble

1- Maxamed Cilmi Afrax (Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Duduble, Maxamed Camal)

2- Cawil Xersi Xasan, (Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Korontada, Duduble/ Awdareen)

Wasiirada Beesha Shiikhaal

1- Naciimo Maxamed Maxamuud. (Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Sheekhaal, Caagane)

2.  Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan (Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo lskaashiga Caalamiga, Hawiye, Sheekhaal)

Xubno aan la helin heybtooda

Nimco C/raxmaan Seeraar, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

Mudane Axmed Cabdullahi Diiriye, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda

Isha goobjooge