QORSHE cusub oo lagu fashilin rabo mooshinka Xasan oo socda (Xildhibaannada HAWIYE oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada taageersan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay qorshe cusub oo ay doonayaan inay uga hortagaan Mooshinka laga keenay madaxweynaha iyadoo qorshahaasi uu socdo muddo 24 saacadood ah oo kasoo bilaabatay habeenimadii 28 Ogost 2015.

Qorshahan ayaa ka dambeeyay kulan xasaasi ah oo xarunta madaxtooyada ay ku dhex maray Xasan Sheekh Maxamuud iyo inta badan xildhibaanada iyo wasiirada kasoo jeeda Beesha Hawiye oo si adag looga dooday arrinta Mooshinka laguna go’aamiyay in tallaabooyin muhiim ah la qaado si loo kala tuuro mooshinkaasi.

Saacidihi ugu danbeeyay waxaa culeys weyn la saaray xildhibaanada Beesha Hawiye ee saxiixay mooshinka iyo xildhibaano kale oo taageersanaa, waxaana shirar xasaasi ah oo is daba joog ah ay ka socdaan magaalada Muqdisho iyadoo xaaladii oo dhan ay hadda u muuqato inay isu bedeshay qaab beeleed siyaasadeysan.

Qorshaha ugu weyn ee ololahan ayaa ah  in mooshinka laga reebo dhammaan xildhibaanada beesha madaxweynaha kasoo jeeda oo culeyskii ugu weynaa saaran yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@ive.com