Weerar Bambaano ah oo lagu qaaday GAROOWE

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in weerar Bambaano lagu qaaday Suuq ku yaalla Magaalada Garoowe.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in Qaraxaasi loo adeegsaday Bam islamarkaana uu ku dhintay 1 ruux, halka dhaawaca uu kasoo gaaray weerarkaasi 3 kale.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Suuqa la weeraray lagu Magacaabo Inji, iyadoo aan la ogeyn sababta weerarkaasi ka dambeysa.

Sidoo kale, Ciidamada DF ee ka howlgala Gobolka Gedo ayaa sheegay inay fashiliyeen Weeraro isugu jiray Ismiidaamin iyo duulaan caadi ah kaasi oo loo qorsheynaayay Magaalada Baardheere.

Faarax Cabdi Casharo oo ka tirsan Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in weerarkaasi lala damacsanaa Degmada Baardheere balse ay fashiliyeen.

Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ka mid ah meelihii ugu dambeeyay ee soo gasha gacan ku heynta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com