Xog: Ciidamada Ethiopia iyo Axmed Madoobe oo qorsho halis ah u diyaariyey guddoomiye Kaliil

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Jubbaland ay halkaasi kawadaan Howlgalo ay ku baadi goobayaan Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Ciidamada ayaa ku hubeysan Hubka noocyadiisa kala duwan waxa ayna ka shaqeynayaan sida ay gacanta ugu dhigi lahaayen Maxamed Cabdi Kaliil iyo Siyaasiyiin isaga taabacsan oo la rumeysan yahay in Gedo ay kawadaan Siyaasado lidi ku ah Axmed Madoobe.

Ciidamada is garabsanaaya ayaa wado qorsho ay ku qabanayaan Maxamed Cabdi Kaliil iyo Siyaasiyiin wehlineyso, waxaana la tilmaamayaa in qorshuhu yahay in loo gudbiyo Xabsi ku yaala Magaalada Addis ababa si halkaasi loogu hayo mudada uu Axmed Madoobe hayo xilka.

Kaliil iyo Ciidamo farabadan oo uu wato ayaa iminka ku dhuumaaleysanaayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, Halkaasi oo ay ka dhigteen fariisimo ay kaga hortagayaan duulaanka iyo baadi goobka ay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Jubbaland.

Kaliil iyo Siyaasiyiinta uu kamid yahay Ismaaciil Sheekh Cabdi Qodax oo dhawaan uu Kaliil u magacaabay Gudoomiyaha Degmada Baardheere ayaa waxaa garbinaayo Odayaal dhaqmeed iyagu kasoo horjeeda Siyaasada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu doonaayo inuu ku maamulo Gobolka Gedo.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili laba maalin un ka hor uu Kaliil Degmada Baardheere u magacaabay Gudoomiye Ismaaciil Sheekh Cabdi Qodax iyo ku-xigeeno cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com