RW CC oo goordhow gaaray Kismaayo + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa goordhow ka degay garoonka weyn ee Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Booqashada Ra’isul wasaare Cumar iyo Wafdigiisa ayaa lasoo warinayaa inay la xiriirto dhamaystirka Khilaafyada DF Somalia kala dhexeeya Maamulka Jubbaland, waxaana la soo sheegayaa in RW CC uu kulan gaar ah la qaadan doono Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Arrimaha ay kawada hadli doonaan RW CC iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa kamid ahaan doono Khilaafka labada dhinac, Ciidamada isku dhafka, Weerarkii Ismiidaaminta dhawaan ka dhacay Kismaayo iyo arrimo kale oo la xiriira kala irdhoobida Siyaasadeed ee DF iyo Jubbaland.

Socdaalka RW CC ayaa muujinaayo in DF Somalia ay u dhaga nugushahay xal u helida Khilaafyada taagan, inkastoo Jubbaland ay madax adeeg ka muujineyso arrimaha la xiriira xalinta Khilaafaadka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha uu kulan madaxtooyada Kismaayo kula leeyahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, lamase oga waxyaabaha rasmiga ah ee ay ka wada hadlayaan.

Geesta kale, Safarka Ra’isul wasaaraha ee Magaalada Kismaayo ayaa imaanaya xilli Maamulka Jubba muddooyinkii dambe uu dhaliilsanaa DF Somalia, taas oo ka dambeysay kadib markii Baarlamaanka dowladda dhexe kala direen Golaha Wakiilada Maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com