Xog: Xasan Sheekh oo xaaladda ay ku xun tahay

Beledweyne (Caasimada Online) – Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana safarkiisa uu ku saleysnaa seddex arimood oo kala duwan.

Ugu horeyn Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa doonayay in magaalada Beledweyne uu geeyo gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed si uu u muujiyo qancinta beelaha eedeymaha badan usoo jeedinayay gudomiyihii hore ee gobolka C/Fataax Xasan Afrax.

Ujeedada labaad ee safarka madaxweynaha ku tagay magaalada Beledweyne waxay aheyd sidii shacabka Hiiraan looga gadi lahaa iney tagaan magaalada Jowhar oo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu qabanayo.

Laakiin Madaxweynaha ayaa kala kulmay shacabka Hiiraan labo culees oo mid kamid ah uu yahay sidii odayaasha Hiiraan looga dhaadhicin lahaa in magaalada Jowhar tagaan ayna ka qeyb galaan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo  in caasimada tahay magaalada Buulo-burde.

Arintaasi ayaa rajo ku riday Beesha Xawaadle oo doonayay iney hesho madaxweynaha ama caasimada oo nadiif ah, waxayse arinataasi keentay iney si adag kaga soo horjeestaan iney tagaan magaalada Jowhar.

Culeeska kale ee madaxweynaha uu kala kulmay magaalada Beledweyne ayaa ah qancintii beeshii dhawaanahaan ku kacsaneyd C/Fataax Xasan Afrax, waxaana beeshaasi ay sheegeen in wali aysan helin sidii ay ka doonayeen dowlada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimaad@live.com