Dadka Muqdisho oo dooranaya G/G BANAADIR.!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa waddo qorshe shacabka magaalada Muqdisho ay kusoo dooranayaan sanadka soo socdo bartamihiisa gudoomiyaha badalaya gudoomiyaha cusub ee gobolka banaadir.

Yaxye Cali Ibraahim, xoghayaha joogtada ee wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa  sheegay in wasaarada ay waddo qorshe sanadka soo socdo shacabka Muqdisho ku dooranayaan hogaankooda.

Yaxye Cali, ayaa sidoo kale sheegay in wasaarada qorshaasi kaga dan leedahay inuu dhamaado in shacabka loosoo dooro mar walbaa qofka hogaamin lahaa.

Sidoo kale xog-hayaha joogta ah ee wasaarrada arrimaha Gudaha ayaa sheegay in Dhamaan Gobolada dalka Somaliya laga dhaqan gelin doono Nidaamka Federaalka dalka, shacabka ay wax dooran doonaan, si rabitaanka shacabka loogu hogaamiyo.

Hadii shacabka Gobolka Banaadir ay u dareeraan Doorasho ku aadan hogaanka hogaamin doono, taasi macnaheeda waxa ay tahay rabitaankii Bulshada oo hirgelay, waxaana meesha ka baxaya Magacaabista Guddoomiye aanan ku imaanin rabitaanka Bulshada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com