Xog: Xildhibaannada BF oo diyaarinaya mooshin lagu bur-burinayo madasha qaran iyo Xasan oo..

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in looga hortago Madasha Wadatashiga Qaran iyo go’aanada ay soo saarto kadib markii xildhibaanadii ka qeyb galay shirarkii madasha ay si weyn uga caroodeen qaabka shirarkaasi u dhaceen.

Arrinta ugu weyn ee xildhibaanadu ka careysan yihiin ayaa ah in awoodii baarlamaanka ay la wareegeen madaxda maamulada dalka, iyadoo arrintaasina ay halis ku keeni karto midnimada dalka. Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa shirkii madasha ka sheegay inuu xaaran yahay oo lagu kala tago.

Warar qaar ayaa sheegaya in xildhibaanada qaarkood ay diyaarinayaan mooshin sharci darro ka dhigaya Madasha oo dib loogala noqonayo 25 xildhibaan oo golaha uga mida madasha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa Madasha ka dhex waday qorshe ay in baarlamaanka federaalka loo kordhiyo muddo 2 sanadood ah si loo dhameystiro sharciyada harsan, taasoo ay si weyn u diideen madaxda maamulada dalka, waxaana laga dareemayay guddoomiye Jawaari inuu si weyn uga carooday sida ay wax u wado Madasha Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com