Xog: Farax C/qaadir oo laga iibinayo odayaasha Xawaadle iyo Xasan Sh. oo qorshihiisa beddelay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faarax Sheikh C/qaadir oo kamid ah mudanayaasha BFS kuna sugan magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xusul duub adag ugu jira sidii uu ku noqon lahaa Madaxweynaha Maamulka cusub ee G/Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Faarax ayaa kulamo isaga u gaar ah la qaadanaaya Odayaasha Gobolka Hiiraan, Gaar ahaan kuwa Beesha Xawaadle, waxa uuna ka dhaadhicinayaa suuragalnimada in shaqsi ahaantiisa loo aqoonsado ahaanshiyaha Madaxweynaha G/Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Odayaasha ayuu kala hadlayaa inay qaatan aragtida Madaxweyne Xassan ee ah in shirka lagu qabto magaalada Jowhar, waxa uuna sidoo kale Odayaasha ka iibinayaa Siyaasadiisa gaarka ah, si uu qeyb uga noqdo doorashada lagu dooran doono Madaxweynaha Maamulka cusub ee G/Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Kulamada qaar ee u dhexeeya Faarax C/qaadir iyo Odayaasha ayaa waxaan looga maarmeynin in Madaxweyne Xassan Sheekh uu goobjoog ka noqdo, waxaana iminka lasoo warinayaa in Madaxweyne Xassan uu qudhiisa Odayaasha ka iibinaayo shaqsiyada Faarax iyo in maalmaha dhow uu noqonkaro madaxweynaha Cusub.

Kulamada ayaa waxaa qayb ka ah, sidii uu ku hirgeli lahaa yoolka Xildhibaankan uu ku doonaayo, in uu ku noqdo Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waxa ayna Xassan iyo Faarax isla wadaan Siyaasad aysan fahmi karin Odayaasha Hiiraan.

Sidoo kale, Xassan Sheekh iyo Faarax C/qaadir ayaa isla kulamada ka dhexwada ololo lagu raadinaaya taageerada Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Wax-garadka Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, Wafdiga la socda madaxweyne Xassan ayaa u badan Xubno ka tirsan Dam-Jadiid kuwaasi oo iyagana qeyb ka ah shirqoolada Xassan iyo Faarax ay u maleegayaan Odayaasha Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com