XOG: Sambaloolshe oo sabab u noqon doona FASHIL ku yimaada xiriirka Somalia iyo Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online):- Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Turkiga C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe, ayaa faraha kula jira qorshooyin lidi ku ah shuruucda u degsan Wasaarada arrimaha dibadda Turkiga.

Sambaloolshe ayaa jabshay shuruucda ay Wasaarada ku hagto Safaaradaha saaxiibada Turkiga ay ku leeyihiin dalkaasi, waxaana la soo sheegayaa in Danjiraha uusan ka qeybgalin shirarka lagu marti galiyo Safiirada.

Danjire Sambaloolshe ayaa sidoo kale la sheegayaa in Wasaarada arrimaha Dibadda Turkiga uu ku wargaliyay inuusan ka qeybgali karin shirarka markii laga reebo mid khuseeya arrimaha Somalia.

Wararka ayaa intaa kusii daraaya in Safiirka uu si KMG ah u hakiyay Fiisooyinkii ay Safaarada ka qaadan jireen Ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi qalabka kasoo dhoofsada.

Dhamaan arrimahaani ayaa mugdi galiyay howlihii ka socday Safaarada, waxaana jira warar sheegaya in Safiirka uu sabab u noqday hoos u dhac ku yimid xiriirkii labada dal ka dhexeeyay.

Dowlada Turkiga ayaan ku qanacsaneyn qaabka uu Sambaloolshe u wado howsha Safaarada, waxa ayna dhaliishaasi usoo laabaneysaa DFS oo aan wakhti waliba ka fiirsan cida ay xilka u dhiibaneyso.

Geesta kale, Sambaloolshe ayaa horay ugu soo fashilmay Safaarada Somalia ee dalka Britain kadib markii uu maareyn waayay Siyaasada isku xirta Somalia iyo Brtain.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com