C/weli Gaas oo magacaabay Gudoomiye Cusub

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Mudug kaasi oo badalayo  gudoomiyaha xilka qaadista lagu sameeyay.

Xasan Maxamed Khaliif oo kamid ahaa ganacsatada magaalada Gaalkacyo dhanka Puntland ayaa madaxweyne C/welli Gaas uu u magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Mudug, kadib wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Gaas.

Sidoo kale shaqsiga cusub ee loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Mudug waxaa uu kamid ahaa golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo, sida uu xaqiijiyay Axmed Muuse Nuur oo ah gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Puntland.

Xariir aan la samaynay Xasan Maxamed Kahiilf ayaa noo sheegay in Bulshada Gobolka Mudug uu guul u rajaynayo, isagoona sheegay in si dhexdhexaad ah uu bulshada Gobolka ugu shaqayn doono.

Xasan Maxamed Khaliif 18 April ayuu tartan ugalay noqoshada Duqa Degmada Gaalkacyo waxaana uga guulaystay Duqa hadda talada haya Mudane Cabdicasiis Jaamac Guuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@livec.om